Muqdisho – (Mareeg.com): Xukuumadda Somalia ayaa xaqiijisay in Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia Yussur Abraar ay xilkii iska casishay.
Sarkaal ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa u sheegay VOA in Yussur Abraar ay istiqaalada gudbisay 30-kii October iyada oo qoraal ahaan ugu dirtay Madaxawene Xasan Sh Maxamuud.
Yussur Abraar oo ahayd haweenaydii ugu horaysay ee loo magacaabo Jagada Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia ayaa waxaa xilkan loo magacaabay bishii September.
Guddoomiyaha ayaa warqadda istiqaalada ku xustay in tan iyo markii xilka loo magacaabay si isdaba jooga looga codsaday inay ku xadgudbto mas’uuliyadda ay u haysay umadda.
Marwo Yusur ayaa intaa ku dartay in markii loo magacaabay xilka culeys laygu saaray in ay wax masuqmaasuqdo.
Warqad seddex bog ah oo ay iscasilaadeed ugu dirtay madaxweynaha Xasan Sheekh, ayeey Yussur ku sheegtay in ay wax isdaba-maris ka dhex jiro dowladda dhexdeed taasna ay albaabada u furi karto masuqmaasuq.
Deeq bixiyaasha ayaa u ballan qaaday in dowladda Soomaaliya siiyaan dhaqaale aad u ballaaran ka dib shirar lagu qabtay dalalka Turkey, Belgium iyo UK bilooyinkii la soo dhaafay si dib loogu dhiso dalka Soomaaliya oo dagaalo iyo abaaro ay ka jireen muddo ka badan labaatan sanno.
Yussur Abrar ayaa sidoo kale waqadeed ku sheegtay in ay diiday ogolaasho ay ka codsadeen Shulman Rogers oo ah hay’ad qareen ah (Law Firm) kana howl-gasha dalka Markeynka oo rabay in ay qandaraas ku qaataan soo aruurinta hantida dalka Soomaaliya uga maqan dibadaha wixii ka horeeyey 1991.
Hay’addaan Shulman Rogers ayaa dowladda Soomaaliyeed u adeegsatay in ay ka difaacaan eedeymo ay Qaramada Midoobi u soo jeedisay dowladda Soomailiya.
Laakin sarkaal ka tirsan xukuumadda oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo maadaama oo anu fasax u haysan inuu ka hadlo arrintan ayaa VOA-da u sheegay in eedaymaha ay soo jeedisay guddoomiyuhu ay waxba kama jiraan yihiin.
Mas’uulkan ayaa intaas ku daray in Guddoomiyaha Bankiga dhexe tan iyo markii la soo magacaabay ay Muqdisho tagtay todobaadkii hore, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu ku aaminay inay dib u habayn ku samayso hannaanka maaliyadda, laakin mas’uulkan ayaa ku tilmaamay guddomiyaha inay xilkaasi ka baxsatay.
Yussur Abraar ayaa muddo badan ku noolayd dalka Maraykanka ka hor intii aanu magacaabin madaxwenuhu, waxaana la sheegayaa in ay iscasilaadeed ka dirtay ayada oo ku sugan dalka Immaaraadka. Lamana garanayo halka ay hadda ku sugantahay.
Sarkaalkan ka tirsan dawladda Somalia ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Yussur Abraar ay markii ugu horaysay ku kulmeen shirkii “Hiigsiga Cusub” ee lagu qabtay Brussels, shirkaasi oo Somalia loogu yaboohay lacag gaadhaysa $2.7 billion oo doolaar.
Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay bishii July ayaa lagu xusay in musuqmaasuqu uu halkiisii ka socday iyada oo ay timid dawladd cusub.
Qaramada midoobay aya xustay in 80% lacagta laga saaro bankiga dhexe loo adeegsado si gaar ah. Dawladda Somalia ayaa gaashaanka ku dhufatay eedaymahaasi.
Dowladda Soomaaliya weli war rasmi ah kama soo saarin is casilaadda la sheegay iney soo gubisay gudoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya Marwo Yussur Abrar oo xilkaas loo magacaabay bishii September ee sanadkaan 2013.
Dowladda Soomaaliya ayaa xilkaas horay uga dirtay gudoomiyihii hore C/salaama Cumar Hadliye kadib markii lagu eedeyey in Baanka lacaga baxa badankood ay u ku baxaan qaab aan sharci aheyn.
Mareeg.com