Gudoomiyaha Bangiga dhexe Oo Sheegay Arin lama Filaan ah iyo Lacagta Cusub Oo Noqon.... — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha Bangiga dhexe Oo Sheegay Arin lama Filaan ah iyo Lacagta Cusub Oo Noqon….

Muqdisho ( Mareeg News ) Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in lacagaha cusub ee ay dowladu dhowaan soo daabacayso aysan ahayn oo kaliya 5,000 iyo 10,000 oo shillin Somali.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in lacagaha la soo daabacayo ay ka kooban tahay qeybo badan kuwa ugu badana ay yihiin 1,000 Sh iyo 2,000 halka 5,000 iyo 10,000 oo shillin laga soo daabacayo cadad aad u yar.

“Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kale ah 1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee lasoo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xigga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so (Shan Kun iyo Toban Kun oo Shillin Soomaali ah), Marka ugu horreeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.

Hase yeeshee guddoomiyaha Bangiga dhexe ayaan u soo bandhigin saxaafada nooca lacagaha kunka iyo labada kun ee Shillin halka hore wasiirka maaliyada uu saxaafada u soo bandhigay namuunada shanta kun iyo tobanka kun ee Shillin.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ayaa sheegay in lacagtan cusub ay tahay mid aan la soo daabacan karin ayna dadka been abuura lacagaha kala kulmi doonaan qasaare haddii ay isku dayaan.

Shirka jaraa’id ee uu qabtay guddoomiyaha Bangiga dhexe ayaa yimid kadib markii dowlada Soomaaliya ay kala kulantay eedeyn markii ay soo bandhigtey lacago isugu jira 5,000 iyo 10,000 oo kaliya, hase yeeshee guddoomiyaha Bangiga dhexe ayaa sheegay in lacagaha la daabacayo aysan ku ekeyn oo kaliya shan kun iyo toban kun oo kaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan laga isticmaalaa oo kaliya lacagta 1,000 sh oo kaliya iyadoo lacagihii kale ay baaba’een ayna qiime dhaceen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!