Gudoomiyaha Xudur oo ku baaqay in gargaar loo diro dadka gobolka Bakool

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolk Bakool, Maxamed Macallin Axmed ayaa ka hadlay xaaladda xarrunta gobolkaas ee Xudur oo jimcihii tegay ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaaliya kala wareegeen Alshabaab, iyaadoo aan dagaal dhicin.

Guddoomiyaha oo isagoo ku sugan Muqdisho warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay gacanta ku hayaan ammaanka magaalada.

Maxamed Macallin ayaa ka dayriyay xaaladda nolosha ee magaalada, wuxuuna ka codsaday dowladda federaalka iyo hay’adaha samafalka inay gargaar deg-deg ah geeyaan magaalada.

Colaadda ka bilaabatay gobollo ka mid ah koonfurta Soomaaliya ayaa kusoo beegantay xilli qorraxdu kulushahay, islamarkaana meelaha qaar laga soo sheegayay duruufo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245