Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo gaaray dalka Iran oo lagu qabanayo shirka OIC

Read Time:53 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay gaaray magaalada Tehran ee Caasimadda Dalka Iran.

Gudoomiyha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha magaalada Tehran abaare 3:00AM gelinkii dambe waqtiga Tehran waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey gudoonka Baarlamaanka dalkan Iiraan Ali Larajani, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaannada Soomaaliya iyo Iiraan iyo safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Tehran Danjire Khaliif Kadiye Muuse.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxaa la dejiyey Hotelka Persian Azadi Hotel oo ah halka loogu talagalay inuu ka dhaco shirweynaha 9-aad ee dalalka Iskaashiga Islaamka OIC Baarlamaannadooda ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka halkan kulammo gaar gaar ah ku yeelan doono.

Kulammada kulanka ugu horeeya waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka saakay la qaadan doonaa waqtiga Tehran 2:00PM dhigiisa dalkan Iran Ali Larajani oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kulammo gaar gaar ah la qaadan doonaa Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Turkey, Qatar,Kuwait iyo dalal kale oo Afrika iyo Carabtaba ah.

Mareeg.com

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.