
Muqdisho, Mareeg.com: Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa digniintii ugu dambeysay u diray xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.
Prof. Jawaari ayaa xusay in xildhibaankii soo xaadiri waaya kulamada baarlamaanka ay u arkayaan mid ka dhuumanaya shaqadiisa, wuxuuna tilmaamay inuusan jirin xildhibaan loo ogolyahay inuu ka maqnaado fadhiya baarlamaanka.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale u digay xildhibaano hadda doonaya iney dalka ka baxaan, wuxuuna ku wargeliyey ineysan bixi Karin, iyadoo ay socoto shaqada baarlamaanka.
“Waxaan rabaa inaa ka digo maalmahan warar huu-haa ah ayaa i soo gaaraya, waxaana lagu jiraa xaalad adag, marka xildhibaankii ka maqnaada kulammada baalamaanka ama dibad ha jiro ama gurigiisa ha joogee, waxaan u arkaynaa xildhibaan ka dhuumanaya shaqadiisa,” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Prof. Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanada looga baahanyahay iney gutaan shaqadii ay u dhaarteen, wuxuuna tilmaamay iney jiraan xildhibaano doonaya inuu buuxsamo waayo kooramka uu ku kulmi karo baarlamaanka Soomaaliya.
“Xildhibaannadu waa inay gutaan howshii ay u dhaarteen, gurigeyga ayaan seexayaan si aan kooramka u baabi’iyo, sheekadaas ma jirto, waxaana ku boorrinaynaa xildhibaannada inay soo xaadiraan kulammada baarlamaanka” sidaa waxaa yiri Prof. Jawaari.
Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in caalamka oo dhan uu eegayo baarlamaanka Soomaaliya, maadama xaalad adag adag dalka uu ku jiro, imtixaan badanna uu taagan yahay.
Qaar badan oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegaa iney waqti badan ku bixiyeen sidii ay noqon lahaayeen mudane baarlamaan hase ahaatee markii ay ku guuleysteen ay u laabteen dalalkii ay ka yimaadeen ama guryahooda iska joogeen, iyadoo baarlamaanku kulamo leeyahay.
Mareeg.com