Muqdisho, Mareeg.com: Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta u ambabaxay dalka Kuwait halkaasi oo ay uga qeyb galayaan shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Afrika.
Shir madaxeedka wadamada Afrika iyo Carabta ayaa lagu wadaa inuu dalka Kuwait shir ku yeeshaan 19-20-ka bishaan socota ee November 2013, waxaana ka qeybgelaya ilaa 64 dal.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hor inta aanay ka ambabixin magaalada Muqdisho Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ay ka qeybgalayaan shirka Madaxweyneyaasha dalalka Carabta iyo Afrika kaasi oo looga hadlayo arimmo la xiriira hormarinta, maalgashiga iyo ganacsiga wadamadaasi.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay, Madaxweynaha ayaa ka qeyb galka shirkaas uga baaqday arrimaha khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha u dhaxeeya, taas ayaa sabab u noqotay inuu ka baaqdo shirka.
Dalka Kuwait ayaa waxaa ku sugan Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda dalka kuwaa oo kulamo looga hadlayay xaalada Soomaaliya la qaatay mas’uuliyiinta wadankaasi, iyagoo ka qeybgalay kulamo horudhac ah.
Mareeg.com