Gudoomiyaha Baarlamanka Oo Casho Sharaf U Sameeyey Xildhibaanada & Madaxweynaha Oo Ka Qeybgalay

Read Time:2 Minute, 38 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Munaasabadda casho sharafta uu Gudoomiyaha Baarlamaanka u sameeyey Xildhibaannada Golaha Shacabka oo aheyd mid qaban qaabadeeda si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla, intabadan Mudaneyaasha Baarlamaanka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo marti sharaf kale.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo Khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn ku ammaanay Gudoonka Golaha Shacabka sidii quruxda badneyd ee ay fadhiyada Baarlamaanka u hogaamiyeen kulammadii ugu xasaasisanaa ee la xiriiray doodaha mooshinka Kalsooni kala noqoshada Xukuumadda waxaana ay Xildhibaannadu u mahad celiyeen Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)oo ay ku ammaaneen sida geesinimada leh ee go’aanka Baarlamaaanka uu u aqbalay, sidoo kalena XIldhibaannada waxa ay Madaxweynaha ka codsadeen inuu soo dedejiyo magacaabista Ra’isulwasaaraha cusub ka hor fasaxa Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa xusay in u jeedada Munaasabaddan ay tahay in Gudoonka Baarlamaanka uu u mahad celiyo Xildhibaannada Golaha Shacabka.

“Mahadsanidiin maadaama aad ilaaliseen Qalbigii shacabka, Mahadsanidiin maadaama aad muujiseen mas’uuliyadda Xildhibaannimo, Mahadsanidiin maadaama aad xal ka gaarteen mushkilad la idiin horkeenay, Mahadsanidiin in markii aan Xeer Hoosaadka iyo Dastuurka soo qabsado qodobadiisa aad iigu hogaansanteen” ayuu yiri Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay inuu qabay walwal badan, maadaama uu hayo kursi dhib badan wuxuuna xusay in xildhibaanadu ka dejiyeen kurbo aan yareyn maadaama ay nidaamka ilaaliyeen sida uu yiri.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay midnimada Baarlamaanka waxaana uu tilmaamay in Baarlamaanku uu yahay tiir dhexaadka Dowladda islamarkaana ay shacbiga Soomaaliyeed ku tashanayaan sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo wadajirka iyo Midnimada Baarlamaanka, sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka aad u ammaanay doodihii Xildhibaannada taasi oo ka turjumeysa hirgelinta dhaqan dimuqraadiyadeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey gebagebadii Munaasabadda ayaa ugu horeyn Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Gudoonkaba ku ammaanay sidii quruxda badneyd ee ay u guteen waajibaadkooda qaran,sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha u mahad celiyey islamarkaana ammaanay Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

“Waxaa runtii aan rabaa inaan aad idiinkugu ammaano sidii quruxda badneyd ee Baarlamaanku waajibaadkiisa u gutay, welibo waxaan si gaar ah u ammaanayaa sidii ay Xildhibaannadu kulammadii doodaha ahaa u qabsadeen ayadoo taasina Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ula socdeen, xaqiiqdii waadna raali geliseen Shacabka, mar hadaad shacabka raaligeliseenna Alle ayaad raali geliseen aad ayaan idiinkugu ammaanayaa” ayuu khudbadiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo talaabadaasina ku tilmaamay mid kalsoonida shacabka ee Dowladnimada iyo dimuqraadiyada soo nooleysay.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay soo jeedinta Xildhibaannada ee la xiriirtay in la dedejiyo magacaabista Ra’isulwasaaraha cusub waxaana uu tilmaamay in howsha hortaala aysan yareyn laakiinse uu ku kalsoonyahay in wax waliba ay noqon doonaan kuwo loogu guuleysto sida hada lasoo jeediyey ka hor waqtiga fasaxa Baarlamaanka ama kadib, waxaana uu Alle ka baryey in dhammaanba howlaha horyaala uu ku guuleeyo.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker

Faafin: Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %