Gudoomiyaha baarlamanka Carabta oo cambaareeyey weerarkii lagu qaaday xildhibaan Dalxa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha baarlamanka Carabta oo cambaareeyey weerarkii lagu qaaday xildhibaan Dalxa

Mareeg.com: Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta, Axmed Al-jarwan  ayaa si kulul u cambaareeyey weerar shalay lagu qaaday xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ugu jira baarlamaanka Carabta.

Axmed Al-jarwan ayaa weerarkii shalay ku tilmaamay mid argagixiso oo lagu cabsigelinayo wakiilada shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in falalkaasi aysan ka horjoogsan doonin hanaanka dimuquraadiyadda ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Jarwaan ayaa rajo ka muujiyey in kooxaha dhibaatada ka wada Soomaaliya burburaan, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed helo nabad iyo deganaasho.

Mareeg Meida

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More