Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta U Ambabaxay Dalka Koonfur Afrika

Read Time:37 Second

Maxamed sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa ku sii jeeda dalka Koonfur Afrika,iyaga oo dalkaasi uga qeyb galaya Shirka Baarlamaanada Qaarada Afrika oo k dhacaya dalkaas.

Xarunta Baarlamaanada Afrika ayaa wxa ay ku taalaa dalkaasi koonfur Afrika,waxaana gudoomiye Jawaari la filayaa in Khudbad Dheer oo uu uga hadlayo dhinacyo badan uu halkaasi ka jeediyo.

Inta uu socdo kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa,qodobo ay ka mid yihiin siyaasabaha la iskugu soo dhaweyn karo Dhalinyarada Qaarada Afrika,iyo sidii Shaqa Abuur loogu sameyn lahaa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inta uusan ka dhoofin Muqdisho,waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya uu shirkan Muhim u yahay.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %