Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la filayo inuu booqdo Dhuusamareeb * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la filayo inuu booqdo Dhuusamareeb

Mareeg.com: Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, sida uu sheegay guddoomiye Kuxigeenka degmada Dhuusomareeb C/llaahi Macalin Axmed.

Gudoomoye ku xigeenka ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yahay sidii uu u Kormeeri lahaa qaabka uu u soconayo shirka dib u heshiisiinta ee ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb.

C/llaahi Macalin Axmed ma sheegin xilliga Jawaari tegayo Dhuusamareeb, wuxuuse xusay iney iyagu u diyaar garoobeen soo dhaweyntiisa, islamarkaana amaanka la adkeeyey.

Magaalada Dhuusamareeb oo uu ka soconayo shirka dib u heshiisiinta ayaa ayaa waxaa horay booqasho ugu tagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!