Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland Oo Goordhow Is Casilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland Oo Goordhow Is Casilay

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu iska Casilay Xilkii Gudoomiyenimo.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro ayaa saakay warqadiis Iscasilaada u gudbiyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Somaliland.

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa maanta waxaa soo xaadiray 71 Mudane iyagoona Cod gacantaag ah u qaaday Iscasilaada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro  waxaan ogolaatay 71 Xildhibaan ee kulan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Somaliland soo xaadiray.

C/raxmaan Ciro ayaa ah musharrax Madaxweyne ee Xisbiga Wadani, waxaana uu rajo weyn ka qabaa in uu Somaliland Madaxweyne ka noqdo.

Degaanada maamulka Somaliland ayaa lagu waddaa bilaha soo socda in lagu qabto Doorasho qof iyo cod ah.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!