Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Soomaaliya: Ma aqoonsan doonto lacagta been abuurka ah

Read Time:46 Second

Mareeg.com: Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali, ayaa sheegay inaan dowladda Soomaaliya aqoonsaneyn lacago shilin Soomaali oo maalmahan lagu arkayey Muqdisho.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay aqoonsan tahay lacagta kunka shilin, iyadoo aynan aqoonsanayn lacagaha been abuurka ah, sida uu yiri.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu ku baaqay in laga hortaggo lacagaha been abuurka, si aan loo soo gelin Magaalada Muqdisho, suurta galnimada in saamayn ku yeelato qaybaha bulshada.

Bashiir Ciise, ayaa waxa uu bulshada Somaliyeed uu kaga digay adeegsiga lacagaha been abuurka ah, isla-markaana aanu Bankiga Dhexe aqbali doonin in lacago been abuur ah loo keensado.

Wuxuu sheegay Bashiir Ciise inuu maqlay in lacagta Kunka Shilin ee Soomaaliga oo dib loo soo daabacay oo maalmahan lagu arkayey Muqdisho laga keenay gobollada Bari ee Soomaaliya.

Lacagta kunka Shilin ee Soomaaliya ayaa sii baaba’aysa, waxaana dadka ku adkaatay iney isticmaalaan, waxaana muuqata in dowladdu aysan heynin lacag badel ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.