Gudoomiyaasha degmooyinka ee dhawaan la magacaabay oo tababar la siinayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaasha degmooyinka ee dhawaan la magacaabay oo tababar la siinayo

Muqdisho – Mareeg.com: Wasiirka arimaha gudaha & fedeaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in 3-da bisha soo socota ee May tabar loo furayo dhamaan gudoomiyaasha dhawaan xilalka loo magacaabay.

Wasiir Goodax oo la hadlayey baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in gudoomiyaasha dhawaan xilalka loo magacaabay ee ku kala sugan gobolka Banaadir iyo deegaanada Alshabaab laga saaray la siinayo tababar aqoontooda lagu kordhinayo.

Wuxuu sheegay wasiirku in gudoomiyaasha cusub la barayo sida maamulo deegaanada laga saaray Alshabaab, isagoo dhanka kale xusay in gudoomiyaashii horay u shaqeynayey aysan qeyb ka heyn tababarka.

Dhanka kale, wasiir Goodax oo baarlamaanku wax ka weydiiyey dalalka dhulka safaaradeed laga siiyey xaafadaha xeebaha saaran ee Muqdisho ayaa sheegay in arrintaas dhacday xilli iyaga ka horeeyey, islamarkaana dhulalkaas ay bixsay daowlad iyaga ka horreysay.

Wasiirka ayaa xusay iney dowladda haatan jirta la tahay in dhulkaas maadaama dowladda Soomaaliyeed horay u diiday, loo daayo dalalkii la siiyey.

“Waa jiraa dhul xeebaha ah oo la siiyey dowlado si ay safaarado uga dhsitaan, dhulkaas waxaa bixiyey dowlad annaga naga horreysay, marka maadaama horay loo bixiyey waxey nala tahay in sidaas loo daayo” ayuu yiri wasiir Goodax.

Dowladda Tukiga ayaa xilligii dowladii Sheekh Shariif waxaa la siiyey dhul weyn oo saaran xeebta, kuna yaalla degmada Cabdil-caziiz, halkaasoo hadda laga dhisayo safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya usoo gurmatay sanadkii 2011, waxeyna weli Soomaaliya ka hayaan mashaariic farabadan oo dhisme waddooyin ka mid yahay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!