Gudoomiyaal degmo & Taliyaal boolis oo tababar looga furay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaal degmo & Taliyaal boolis oo tababar looga furay Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Ilaa 9 ka mid ah gudoomiyaasha degmooyin dhawaan laga saaray Alshabaab iyo taliyaasha saldhigyada booliska degmooyinkaa ayaa maanta Muqdisho looga furay tababar.

Siminaarka oo socon doono muddo isbuuc ah ayaa inta uu socda waxaa lagu baran doonaa maamul wanaaga iyo hogaaminta.

Tababarka oo manta ka furmay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.

Wasiir ku-xigeenka Amniga Qaranka, Ibraahim Isaaq Yarrow ayaa sheegay in Wasaaradda amniga ay xoogga saari doonto sidii goobaha laga Al-Shabaab saaray ay u gaarsiin laheyd sarakiil xagga amniga ah, tanina ay qeyb ka tahay qorshaha Wasaaradda amniga ay ugu talo gashay gobollada Al-Shabaab laga saaray.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre oo furay tababarka la siinayo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha oo socon doono muddo isbuuc ah ayaa kula dar daarmay inay si hufan u gutaan howlaha loo igmaday, isagoo xusay in Wasaaradda Arrimaha gudaha ay dardargelin doonto maamul u sameynta degmooyinka iyo gobollada lagala wareego Al-Shabaab.

Waa markii ugu horreysay ee tababar nuucaan ah Muqdisho looga furo gudoomiyaaha degmooyinka iyo taliyaasha booliska qaar ka mid ah gobollada dalka.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!