Gudoomiy ku xigeenka Siyaasadda iyo Amaanka gobolka Banaadir oo la magacaabay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiy ku xigeenka Siyaasadda iyo Amaanka gobolka Banaadir oo la magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxaamuud ayaa Maxamed Axmed Diiriye u magacaabay Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada ee maamulka Gobolka Banaadir.

Magacaabida xilkan ayaa ka dambeeysay markii uu geeriyooday Gudoomiyihii xilkaas hayay Maxamed Aadan Guuleed (Caana Geelle) oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Central ee 20-kii bishii hore dhacay.

“Markii uu arkay Madaxweynaha tala soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa uu Madaxweynuhu u magacaabay Maxamed Axmed Diiriye Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada Gobolka Banaadir” ayaa ku qorneyd warqad qoraal ah oo Xafiiska Madaxweynaha ka soo baxday.

Maxamed Axmed Diiriye ayaa waxaa dhalay Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ahaa Afhayeenkii Odayaasha Beelaha Hawiye, waxaana xilkan isku garbinayay siyaasiyiin badan oo loolan adag u galay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.