Guddoonka Baarlamaanka Oo Magacaabay Guddi Soo Baara Arrinta C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magacaabay Guddigii soo baari lahaa Arrinta daba dheeraatay ee C/kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax iyo Go’aankii dhawaan ka soo baxay Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Guddigaan uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka kooban yahay 15-Xubnood oo dhamaantood ka tirsan Xldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya .
Guddigaan ayaa ka shaqeyn doono sidii warbixin tifaftiran loogu keeni lahaa Golaha Shacabka islamarkaana baaris dheer oo cad loogu sameyn lahaa qodobada ay Xukuumada Soomaaliya u adeegsatay Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.
Comments are closed.