Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xilkii laga qaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xilkii laga qaaday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida, isagoo mid cusub magacaabay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda ayaa loo magacaabay inuu noqdo Maxamuud Axmed Xasan (Dalab), wuxuuna bedelayaa Jen. Liiban Cali Yarroow oo xilkaas muddo haayay.

Guddoomiye Maxamuud Axmed ayaa horey u soo noqday Wasiirka Ganacsiga Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cabdi Shirdoon Saacid, xiligii dalka uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka G/sare Maxamuud Dalab ayaa ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska, wuxuu horay ula soo shaqeeyay Maxkamaddii Badbaadada ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Jen. Maxamuud Geelle Yuusuf.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More