Guddoomiyihii hore ee degmada Afgooye oo la dilay iyo ninkii dilkiisa ka dambeeya oo la qabtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyihii hore ee degmada Afgooye oo la dilay iyo ninkii dilkiisa ka dambeeya oo la qabtay

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee degmada Afgooye C/llaahi Cabdi Iidey lagu dilay bartamaha suuqa degmada Afgooye.

 

Nin bastoolado ku hubeysan ayaa Guddoomiyaha ku dhex toogtay suuqa Afgooye, xilli la sheegay inuu halkaas ka dukaameysanayay.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka ag dhowaa goobta ay dhaawaceen ninkii ka dambeeyay toogashada Guddoomiyaha, kadibna gacanta ku dhigay.

 

Saraakiisha Ammaanka degmada Afgooye ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay ninka dilkiisa ka dambeeyay, isagoo oo dhaawac ah.

 

C/llaahi Cabdi Iidey ayaa ahaa Col. ka tirsanaa ciidamadii hore, waxaana xilka degmada Afgooye loo magacaabay xilligii dowladdii C/llaahi Yuusuf, isagoo in muddo ahna ahaa Guddoomiyaha degmadaas.

 

Degmada Afgooye ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay dilal kala duwan iyo weeraro ay Al-Shabaab ka geysatay, waxaana dhowaan degmadaas lagu dilay Nabadoon caan ahaa.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!