Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyihii Guddiga doorashada Garabka Xaaf oo is casiley

Waxaa ku dhawaaqay in uu xilkii iska casiley Guddoomiyihii Guddiga doorashada Galmudug ee Garabka Axmed Ducaale Geelle Xaaf ee Bashiir Maxamed Sanka.

Guddoomiyaha ayaa qoraal uu soo dhigey Bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in Shaqadii Guddiga uu ka tegay kadib markii uu arkey khilaafka ka jira dhismaha Galmudug.

Bismillah,waxan halkaan kacadaynaa inaan katagay gudigii dhawaan uu magacabay Madaxwayne Xaaf,Kadib markaan qiimeeyay ama darsay marxalada culus ee Galmudug wajahayso taa oo ah inaysan qaadi Karin khilaaf Horleh,iyo kala qaybin bulshada Galmudug ayuu yiri” Bashiir Sanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo wadajirka iyo midnimada bulshada Galmudug si loo helo sharci xooggan oo leh hay’ado sharci oo kashaqeeya hirgalinta nidaamka dowladnimo.

Tallaabadaan uu isku casiley Guddoomiyihii Guddiga doorashada Galmudug ee Garabka ayaa la sheegay inay cadaadis ku saartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!