Guddoomiyeyaasha baarlamaanada labo maamul goboleed oo si layaab leh uga hadlay Shirkii Kismaayo

Read Time:42 Second

Guddoomiyeyaasha baarlamaanada maamul goboleedyada kala ah Galmudug,Hirshabeelle  oo maanta ka qeyb galayay furitaanka kalfadhiga 4aad Baarlamaaka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in qodobadii ka soo baxay Shirkii maamul goboleedyada ay ku yeesheen Kismaayo ay ahaayen mid Riyo ah .

Cali Gacal Casir oo ah Guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo hadal ka jeediyay furitaanka baarlamaanka ayaa sheegay in aan lala sameeyay wadatashi ku aadan qodobada ka soo baxay shirkaas,isla markaana ku talmaamay mid aan wax ka jirin.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed aya isna waxa uu sheegay in dowladda iyo dowlad Goboleedyadu aysan aheyn kuwo kala maarma.

Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa dhawaan ku shiray madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira,kuwaasi soo saaray qodobo ay kamid ahaayen in ay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowlada dhexe ee Soomaaliya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %