Mareeg Media
Somalia

Sawirro:-Guddoomiye yariisow oo ka tacsiyeeyay dhacdadii lagu gubay Axmed Dowlo

17

Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa Magalada muqdisho Cabdi Raxmaan Cumar Cisman Eng yariisow ayaa maanta waxa uu booqday qoyska marxuum Axmed Dowlo oo lagu gubay xaafadda towfiiq ee degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga tacsiyeeyey ehelada marxuumka geeridii ku tumid alle ha unaxariiste marxuum Axmed muqtaar Axmed Dowlo.

Axmed Dowlo ayaa waxaa shalay lagu aasay qabuuraha Barakaad ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dhacdadii lagu dilay laguna gubay Axmed dowlo ayaa waxa ay noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay inta badan Bulshada Soomaaliyeed,Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin intaba.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!