Guddoomiye Yariisow oo baaq u diray Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Imaaraadka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiye Yariisow oo baaq u diray Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Imaaraadka

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Dubai kula kulmey jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Imaaraadka oo halkaas ku qabtey xaflad ay ku soo dhoweynayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaaney Soomaalida ku dhaqan Imaaraadka, sida ay uga dhex muuqdaan bulshada kale ee waddanka ku dhaqan, isagoo ugu baaqay inay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Mudane Eng.Yarisow ayaa jaaliyadda Soomaalida uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Caasimadda ee dib uga soo kabanaysa dhibaatooyinkii ay reebeen dagaalladii sokeeyo, waxuna tilmaamay guulaha wax ku oolka ah ee la gaaray in ay dhiirigeliyeen horumarka lagu tallaabsaday.

“Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Imaaraadka Carabta waxay kaalin wanaagsan ka soo qaateen horumarka dalkooda, hadana waxaan idinku sii dhiiragelinayaa dadaalkiina inaad sii labo jibaartaan, gaar ahaan magaalada Caasimadda ee Muqdisho oo xiligan dib ayay u soo kabanaysaa waa in aad doorkiina ka qaadataan”.

Xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee Isutagga Imaaraadka ayaa iyaguna halkaas Guddoomiyaha ku siiyey warbixinno la xiriirta xaaladahooda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.