Guddoomiye Waaxeed lagu diley Magaalada Muqdisho

Read Time:41 Second

Rag hubeysan ayaa waxaa ay degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir ku dileen mid kamid ah Guddoomiye waaxeedyada degamdaas,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Guddoomiye waaxeedka la dilay oo Haweeney ah ayaa waxaa lagu magacaabayay Nasra Cali Geesood,waxaana ay ku geeriyootay goobtii lagu dilay sida ay joobjoogayaal sheegeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska soomaaliya ayaa gaarey halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo sameyey howlgal lagu baadi goobayey dadkii ka dambeeyey dilkaas walow aan weli la qaban.

Dilka ka dhacay degmada hiliwaa ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ksuoo aadayaa xilli xalay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowlada ay hawlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir iyaga oo qarxiyay laba Miino oo kuwa dhulka la galiya ah sidoo kale ku soo qabtay dhowr qof oo ay tuhunsanyihiin.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %