Guddoomiye Muuse oo amray in la gubo QAAD la soo galiyay Muqdisho (DAAWO)

Read Time:32 Second

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Muuse Macalin Maxamed ayaa amray in dab la qabadsiiyo jawaano ku jira qaad, kadib markii ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiye Muuse ayaa shaaca ka qaaday in Qaadkan la doonayay si dhuumaaleysi ah in lagu gaarsiiyo Suuqyada Magaalada Muqdisho.

Taalabadan looga hortagay in Qaadka la gaarsiiyo Suuqyada ayaa qeyb ka ah ka hortaga faafida Cudurka COVID 19 oo faro ba’an ku haya dalal dhowr ah.

Waxaa uu xusay in sidoo kale ay talaabadan xoojineyso dhaqan gelinta awaamiirtii ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo ku aadan in muddo 14 maalmood ah la xaray Hawada Soomaaliya.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %