Guddoomiye Mursal oo Wakiiladda Caalamka kala wada hadlay Arrimaha Doorashada+Sawiro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiye Mursal oo Wakiiladda Caalamka kala wada hadlay Arrimaha Doorashada+Sawiro

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan & Wakiilka QM   ee Somalia Amb, James Swan  iyo Midowga Afrika ee francisco Madeira.

 

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen Arrimaha doorashada Soomaaliya iyoSharciga doorashooyinka Qaranka oo xildhibaannada Golaha Shacabka maalmahaan ka doodayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xunaha uu la kulmay waxaa uu u gudbiyey Horumarka Baarlamaanku ka sameeyey sharciga doorashada iyo sida ay Soomaaliya uga go’antahay doorasho qof iyo cod ah.

Kulan maanta dhex-maray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, iyo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, waxaa qeyb ka ahaa wakiillo ka socday dalalka Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.

Kulankan Maanta dhex-marey Wakiilada Beesha Caalamka iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli kulankaan oo kale uu dhex-maray  Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi,kaas oo looga hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.