Guddoomiye Mursal oo shir uga qeyb galay dalka Jordan

Read Time:49 Second

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Dalka Jordan ayaa ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaasoo hor u dhac u ah Shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada Carabta oo ka furmi Caasimada Cammaan oo ah Magaala madaxda Dalka Jordan.

Kulanka ayaa Madaxda Midowga Baarlamaanada Carabta waxa ay marka hore iska wareysteen xaaladaha Dalalka Guddoomiye walba uu matalo gaar ahaan howlaha baarlamaanada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

waxyaabaha Kulanka aad loogaga hadlay waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Carabta  iyo shacabka Dalalka Carabta,Sidoo kale waxyaabaha aadka diirada loo saaray si gaar ahna ay ka qeyb galayaasha Kulanka uga hadleen ayaa ahaa Arinta qadiyada Falastiin iyo sidoo kale Ajendayaasha shirka weyn ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU,waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS uu  qudbad ka jeedin doonaa shirkaasi oo saacadaha soo socda ka furmi doona Magaaladda Cammaan ee Caasimada Dalka Jordan.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %