Guddoomiye kuxigeennada Baarlamaanka Galmudug oo la doortey

Read Time:37 Second

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa lagu qabtey doorashada guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo labaad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana codeynayey 89 Xildhibaan ee Maamulka Galmudug.

Doorashada Gudoomiye kuxigeenka 1aad ayaa waxaa ku tartamay Cabdullahi Xirsi Maxamuud & Saadaq Sheekh Yuusuf Sh. Ibraahim,waxaana 59 Cod helay Cabdullahi Xirsi Maxamuud oo loo doortey Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug halka Saadaq Sheekh Yuusuf uu heley 29 Cod.

Sidoo kale waxaa dhacdey doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamaanka Galmudug oo ay ku tartameen Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Fadumo Cabdi Cali & Maxamed Axmed Maalin,waxaana ku guuleystay Faadumo sidda ay sheegeen Guddiga.

Doorashada Guddoonka baarlamaannka Galmudug ayaa soo dhamaatay , waxaana la doortay Gudoomiyaha, gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %