Guddoomiye Finish oo dhagax-dhigay Suuq ku bur burey dagaal * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiye Finish oo dhagax-dhigay Suuq ku bur burey dagaal

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay Suuqa Dayax ee degmada Hiliwaa oo lagu iibin jiray xoolaha nool.

Dhagax dhiga kadib ayaa gudoomiyaha waxa uu kormeeray qeybaha uu suuqaani ku fadhiyo oo ah dhulbaaxad weyn waxaana horey lagu iibin jiray xoolaha kala duwan inkastoo uu qeyb ka noqday goobihii danta guud ee ku burburay qalalaasihii dalka ka dhacay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kula dardaarmay bulshada in ay ilaas shadaan goobaha danta guud ee muhiimka u ah adeegyada aas aasiga ah.

Dhanka kale waxa uu duqa magaalada Muqdisho sheegay in xoolaha lagu iibiyo qeybaha kala duwan ee magaalada ay qabad kuyihiin bilicda Caasimadda iyo isku socod keeda sidaas darteedna marka la hirgaliyo Suuqa Dayax kadib waxa uu maamulka mammuuci doonaa in meel aheyn Suuqani aan lagu iibin doonin xoolaha.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!