Mareeg Media
Somalia

Guddoomiye Degmo oo shaqo joojin lagu sameeyay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shaqo joojin lagu sameeyay guddoomiyaha degmada Xamarjabab ee gobolka Banaadir Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha lagu sameeyay shaqo joojin kadib markii lagu qabsaday sababta uu Saxaafada ugu ogolaaday in ay duubtaan islamarkaana ay tabiyaan  qaraxii 4-tii April ka dhacay agagaarka dugsiga tababarka booliiska ee Gen. Kaahiye.

Lama oga inuu baartitaan socdo arrinkan la xiriira iyo in kale balse hey’adaha amniga ayaa dhowaan sheegay in warbaahinta aan loo ogolaan doonin iney horay ka tagaan goobaha qaraxa.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar waxaa uu xilka la wareegay Janaayo 8, waxaa uuna meesha jooga 3 bil.

Mukhtaar waxuu ka mid ahaa Suxufiyiinta ka howlgasha Muqdisho, ka hor inta aanu loo magacaabin xilka Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!