
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa Guddoomiye Cusub loogu magacaabay Degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir.
Mahdi Faarax Cabdulle ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Cabdicaiis, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadas Sabaax Cabdullaahi Asad oo ku geeriyootay Qaraxii ka dhacay sanadkii tegay Xarunta Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta kala duwan ee Degmada Cabdicaiis ayaa la faray inay la shaqeeyan Guddoomiye Mahdi Faarax, waxaana maalmaha soo socda uu la wareegi doonaa shaqada maamulka degmadaas.
Si kastaba Guddoomiye Cumar Finish ayaa hore Gudoomiyeyaal Cusub u magacaabay Degmooyinka Shangaani iyo Waaberi, kadib markii Gudoomiyeyaashii hore ay ku geeriyoodeen Qaraxii 24-kii July ee sanadkii 2019 ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Degmada Cabdicasiis ayaa 165 maalin ka dib yeelanaysa Gudoomiye degmo,ka dib dhimashadii gudoomiyii degmadaasi Sabaax Cabdullaahi Asad oo ku geeriyootay Qaraxii ka dhacay sanadkii tegay Xarunta Gobolka Banaadir.