Guddoomiye Cusub oo loo doortey Baarlamaanka Galmudug

Read Time:33 Second

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa maanta oo Jimce ah lagu qabtey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ay ku tartameen laba musharax.
Doorashada oo aad u kululeyd ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Dr Maxamed Nuur Gacal & Xildhibaan Cabdi Naasir Aadan Cismaan,waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug loo doortey Xildhibaan Dr Maxamed Nuur Gacal.

Ka hor doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa tartanka isaga harey Cabdullaahi Axmed Calasow oo kamid ahaa musharixinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Guddiga KMG ah ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa shaaciyey in Dr Maxamed Nuur Gacal uu helay 54 cod halka Cabdi Naasir Aadan Cismaan uu helay 34 Cod,waxaana codeeyey 89 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %