Guddoomiye Cumar Filish oo Heshiis la saxiixday dhigiisa Dooxa+Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiye Cumar Filish oo Heshiis la saxiixday dhigiisa Dooxa+Sawirro

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (filish) ayaa maanta Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar heshiis kula saxiixday Dhigiisa Magaalada Dooxa Md: Jamal Madar.

Hishiiska labada magaalo ayaa ah hishiis mataanayn oo noqonayo markii ugu horeeysay taariikhda labada Magaalo.

Hishiiskaan mataanaynta ah ayaa waxa uu ka kooban yahay 10 qodob oo ay labada magaalo iska kaashan doonaan sida dib u dhiska magaalada, isdhaafsiga aqoonta & xirfadaha, horumarinta adeegyada bulshada ee assaasiga ah sida Caafimaadka, nadaafadda iyo dhiraynta magaalooyinka, mas’uuliyiinta & hoowlwadeenada labada magaalo oo booqashooyin ku kala bixin doono Magaalooyinka Muqdisho iyo Dooxa si looga wada shaqeeyo barnaamijyo mid ah oo lagu horumarinaayo labada magaalo.

Waxaa sidoo kale ka mid ah hishiiskaan in labada magaalo iska kaashadaan horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga iyo sidoo kale in labada magaalo ay ka wada faa’iideestaan barnaamijyada iskaashiga & horumarinta oo ay qabtaan labadooda doowladooda ee Soomaaliya iyo Qatar.

Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dooxa isagoo ka qaybgalayay Madasha DOOXA ikana mid ah wafdi rasmi ah oo soo gaaray dalka Qadar kaas uu hogaaminayay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!