Guddoomiye Cali Gacal Casir oo xilkii Mooshin looga qaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiye Cali Gacal Casir oo xilkii Mooshin looga qaaday

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa goordhow shaaciyay in xilkii ay ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Kulanka ay yeesheen Xildhibaanadaan ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka Xareed Cali Xareed,iyadoo ay soo xaadirtay 147 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah uga qaaday xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

146 Xildhibaan ayaa la soo sheegayaa iney “Haa” ugu codeeyeen mooshinka, halka hal Xildhibaanna uu ka amausay, Xareed Cali Xareed ayaa ugu dnabeyn ku dhawaaqay in mooshinka Ansax yahay, Xilkana si rasmi ah looga qaaday Cali gacal Casir.

Mooshin ka dhan ah Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa maalmahan waxa uu ka socday Magaalada Dhuusamareeb,kaasi oo ay gudbiyeen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!