Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne Kuxigeen lagu doortay Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka dhacay doorasho ay qabsadeen garabka madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf.
Doorashada oo ka dhacday koonfurta magalaada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu doortay guddoomiye baarlamaan uu yeelanayo garabka madaxweyne Xaaf.
Doorashada oo ahayd gacan taag ayaa waxaa guddoomiye baarlamaan loogu doortay Xareed Cali Xareed oo horey usoo noqday guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Galmudug.
Xildhibaanada ku sugan Gaalkacyo ayaa sidoo kale madaxweyne kuxigeen u doortay Sheekh Ibraahim Xasan Guureeye.
Doorashada maanta ka dhacday Gaalkacyo ayaa imaaneysa iyadoo shalay magaalada Dhuusamareeb ay ka dhacday doorasho kale oo ay qabsadeen garabka Ahlusunna oo kuwaas oo madaxweynaha Galmudug ugu doortay Sheekh Maxamed Shaakir oo kamid ah hoogaanka sare ee Ahlusunna horeyna u ahaa madaxa xukuumadda Galmudug ee iminka uu waqtigeedi dhamaaday.
Comments are closed.