Guddoomiyahii Garasbaaleey oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray qarax lala beegsaday

Read Time:44 Second

Wararka ka imaanaya deegaanka Garasbaaley ee duuleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiyahii deegaanka Garasbaaleey uu u geeriyooday kadib markii qarax xoogan lala beegsaday gaarigii uu saarnaa guddoomiyaha.

Allah u naxariiste guddoomiyahii Garasbaaleey Maxamed Abuukar Afrax ayaa la sheegay xiliga qaraxa lala beegsaday uu maraayay inta u dhaxeysa degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey gaar ahaan waaxda lagu magacaabo Fooriloow.

Wax ka yar sadax bilood ayaa laga jooga markii guddoomiyaha maanta dhintay loo magacaabay xilka guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey, kadib markii guddoomiyahii isaga ka horeeyay ee lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare isna lagu dilay qarax noocaan oo kale ah.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa maanta lagu dilay guddoomiyahii deegaanka Garasbaaleey, iyo dhaawaca laba ka mid ah askartii ilaalineysay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Banaadir oo ku aadan qaraxa lagu dilay guddoomiyahii deegaanka Garasbaaleey.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.