Guddoomiyaha Xamarweyne oo xabsiga la dhigay iyo Shaqa joojin deg deg ah oo lagu sameeyey
Warqad ka soo baxday Kusimaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa Shaqadii looga joojiyey Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg.
Cumar Shariif Jeeg ayaa dhawaan sheegay in Xukuumadda Kheyre ay tahay tan ugu masuqmaasuqa badneyd abid taarikhda dalka iyo sidoo kale waxa uu eedeyn u jeediyey Booliska oo uu sheegay iney qaraxyada iyaga ka dambeeyaan.
Warqada ayaa waxaa la ogeeysiiyey Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada degmada Xamarweyne,taliska booliska degmada,iyada oo xilka degmada Xamarweyne si KMG loogu dhiibay ku xigeenkiisa Amniga iyo siyaasada.
Comments are closed.