Guddoomiyaha Magaalada Kismaayo oo Xabsi loo Taxaabay
Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in Ciidamada maamulka Jubbaland ay Xabsiga u Taxaabeen Guddoomiyaha Magaaladaasi Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf ( Tima Jilac).
Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ku raad joogay Guddoomiyaha Magaalada Kismaayo oo Baxsad ku ahaa duleedka Magaalada Kismaayo ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay Ciidamadaasi u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan.
Waxaana Guddoomiyaha la sheegay in haatan uu ku jiro Xabsi ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Habeenno ka hor ayey ahayd markii Ciidamo kuwa maamulka Jubbaland ka tirsan ay weerar ku qaadeen Guriga Guddoomiyaha Magaalada Kismaayo iyadoo la sheegay in ay damacsanaayeen Ciidmaadaasi in ay ku dhex qaarijiyaan gudaha gurigiisa.
Warar ayaa sheegaya in Guddoomiyaha sababta ay Ciidamada Madaxweynaha Jubbaland ugu raad joogeen ahayd arrimo ku qotoma aano Qabiil.
Magaalada Kismaayo ayaa laga cabsi qabaa in mar kale uu ka Qarxo dagaal u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Jubbaland.
Comments are closed.