Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo La Kulmay Xubno Sare + Sawirro — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo La Kulmay Xubno Sare + Sawirro

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha diinta ee golaha shacabka.

Kulanka waxaa loogu hadlay muranka ka taagan arrimaha Xajka, xaaladaha xabsiyada dalka, sharciyada guddiga ay gacanta ku hayaan iyo qodobo kale.

Guddiga ayaa guddoomiyaha golaha shacabka warbixin ka siiyay halka ay marayaan dadaalada lagu xalinayo khilaafka ka dhashay arrimaha Xajka iyo cabashada xujeyda.

Sidoo kale guddiga ayaa guddoomiyaha la wadaagay xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista xabsiyada dalka ku xeran iyo xaalada guud ee xabsiyada dalka.

Guddiga ayaa soo bandhigay jadwalka ay ku shaqeynayaan iyo kulamo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiga ku bogaadiyay howsha ay wadaan.

Guddoomiyaha ayaa guddiga faray in si deg deg ah loo xaliyo cabashada xujeyda Soomaaliyeed.

” kulankeena maanta waxa uu ahaa kulan muhiim ah, Xubnaha guddiga waxa kula dardaarmay iney si laba jibaaraan shaqooyinka ay hada hayaa, aad aya ugu qancay warbixinta ay ila wadaageen” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Habdhowraha golaha shacabka Mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux).

Ugu dambeyn guddoomiye Maxamed Mursal iyo guddiga aya si qoto dheer kaga hadlay sharciyada ay diyaarinaya guddiga iyo la xisaabtanka wasaaradaha guddigaan ay shaqada kala dhaxeyso.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!