Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Muqtaar Roobow * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Muqtaar Roobow

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan ayaa xalay Magalada Muqdisho uu kulan kula qaatay musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Musharixiintaan oo dhawaan la filayo inay gaaraan Magalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah,wasiirkii hore ee Maaliyadda dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed Aadan Farkeeti  iyo Sheekh Muqtaar Roobow walow uusan isaga sicad u shaacin inuu yahay musharax.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sida ugu macquulsan oo ay ku dhici karto doorashada Koonfur Galbeed iyo in muhiim ay tahay isbedel in la sameeyo,waxaana jira musharixiin qaarkood ugu cadcad doorashada,kuwaas oo la tartami kara Shariif Xasan oo dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax.

Musharixiinta qaar kood ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay qasab in isbedel uu ku dhaco hoggaanka Koonfur Galbeed,loona baahan yahay in juhdi iyo waqti farabadan la geliyo,Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhankiisa waxa uu wadaa ol ole ku aadan sidii uu markale ugu guuleysan lahaa inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!