Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Read Time:33 Second

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan umadda Muslimka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul-Adxa.

“Waxaan guud Umadda Muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaa Munaasabada Ciidul-Adxa,waxaana u rajeynaa in ciidaan teeda kale ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo iyo sidoo kale horumar intaan kasii badan oo dowladnimo ah” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dhexdooda ay is caawiyaan oo ay gargaaraan midkooda liita sidoo kalena ay ka shaqeeyaan horumarka Dowladnimadeena.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %