Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arrimaha doorashooyinka kala hadley Beesha Caalamka

Read Time:42 Second

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa maanta Magaalada muqdisho kula kulmay Wakiilo ka socda UN-ka, AMISOM iyo Ambassadorada Copenhagen Group.

Kulanka ayaa laada dhinac waxaa ay uga wada hadleen Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Dalka Soomaaliya 2020 -2021 iyo xoojinta wadashaqeynta labada dhinac ee la iriira arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Shaabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa madaxdii uu la kulmay ka odsadey inay dowladda Soomaaliya kala Shaqeeyaan sidii u qabsoomi laheyd doorashada dalka.

Xubnaah wafdiga ka socdey UN-ka iyo AMISOM ayaa dhankooda waxaa ay balanq aadeen inay arrimaah doorashooinka ka caawin doonaan Dowladda Soomaaliya,isla markaana ay taageero u muujin doonaan.

Sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa horey u ansixiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka,waxaana haatan uu horyaallaa Xildhibaannada Aqalka Sare si ay u ansixiyaan,kadibna uu u saiixo Madaxweyne Maxame Cabdullaahi Farmaajo.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %