Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo isku day dil ka bad baaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo isku day dil ka bad baaday

Baladxaawo (Mareeg.com)—Sida ay noo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo ku sugan Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo waxaa isku day dil ka bad baaday Guddoomiyaha Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil kadib markii Miino loogu xiray Gaarigiisa.

Inta la ogyahay qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay 2 ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Gedo 3 kalena waa ay ku dhaawacantay oo isla ilaaladiisa ah iyadoo uu ka bad baaday Gudoomiyaha oo qaraxa Bartilmaameedkiisu ahaa.

Qaraxaan ayaa yimid xilli labadii Maalin ee ugu dambeysay ay xiisad ka taagneed Degmada Baladxaawo taas oo u dhexeysay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca ee ku wada sugan degmada Baladxaawo.

Xiriiro aan la sameynay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil ayaan inoo suura galin si aan wax uga weydiinno weerarka isaga lala damacsanaa in lagu qaarijiyo sidoo kale Ma jirto weli cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!