Guddoomiyaha G/Banaadir oo Munaasabada Ciida ugu hambalyey Shacabka Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Munaasabada Ciida ugu hambalyey Shacabka Muqdisho

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciiddul Carafa u diray shacabka Soomaaliyeed ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in ay istaakuleyaan bulshada Gobolka, si maalmaha Ciidda Carafa looga farxiyo dadka danyarta ah ee ku nool Gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay in barakacayaal gaaraya 500,000 oo qof ay ku suganyihiin xerayaha barakacayaasha ee ku yaalla caasimadda, qoysaskaasna aysan awoodin farxad gelinta ubadkooda, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la garab istaago.

“Diinta Islaamku muhiimadda gaar ah ayey siisay taakuleynta dadka danyarta ah, gaar ahaan maalmaha ciidaha, sidaas darteed waa in aynu dhammaanteen ka shaqeynaa sidii aan u farxad gelin lahayn dadkeenna danyarta ah.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow waxa uu ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay dardar geliyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo ilaaliyo habsami u socodka howlgallada joogtada ah ee ciidamadu ay ku xaqiijinayaan amniga Gobolka.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!