Guddoomiyaha Cusub oo ka hadlay muranka dhulalka iyo Guryaha Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyaha Cusub oo ka hadlay muranka dhulalka iyo Guryaha Muqdisho

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale  oo shalay ka hadlayay Munaasabadda uu xilka kula wareegayay ayaa shaaca ka qaaday in siyaasad ay uga degantahay arrimaha la xiriira muranka dhulka.

 

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xusay in ay tallaabo ka qaadi doonaan ka maamul ahaan dadka soo sameysta Docomentiyada been abuurka ah ee ay ku sheeganayaan in dhul ama guryo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

 

“ dad sharci darro dhul looga heysto ma sii jiri doonaan , waan uga bixineynaa annagoo Cadaaladda u  mareyno” ayuu yiri Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir.

 

Ugu dambeyn ayuu sheegay in Maxkamad ay la tiigsan doonaan cid kasta oo sifo aan sharci ahayn ugu doodeyso guryo iyo dhulal aysan lahayn.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.