Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo maanta si rasmi ula wareegay xilka  * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo maanta si rasmi ula wareegay xilka 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa mxil-warejin-8aanta si rasmi ah waxaa uu xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, kadib munaasabad ka dhacday Aqalka dowladda Hoose Ex Officio Governo.

 

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Wasiiru dowlaha Maaliyada C/llaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Kaluumeysiga, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Khudbadihii laga jeediyay Munaasabada ayaa looga hadlay waxqabadka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub, oo lagula dar daarmay inuu xoogga saaro howlaha hor-yaala Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa ayaa ammaanay waxqabadkii Guddoomiyihii hore Mr Muungaab, isagoo xusay inay bilaabay dimoqraadiyada uu qofba qofka kale uu xilka ku wareejinayo, wuxuuna xusay in waxqabadka Guddoomiyihii hore inay cadeyn ku filan ay tahay Aqalka dowladda hoose sida uu yiri.

 

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay waxaabihii u qabsoomay maamulkiisa, isagoo ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub, lacag Bankiga Dhexe ku jirta, gaar ahaan Akoonka Gobolka oo gaareysay illaa 200-kun oo doollar iyo lacag shiling Soomaali oo gaareysa Labo bilyan.

 

Mr Muungaab ayaa u mahad celiyay Madaxda dowladda iyo Mas’uuliyiintii la soo shaqeeyay, si gaar ah Guddiga xalinta khilaafaadka ee dhulalka, kaalinti ay ka qaateen hanti isu celintii Gobolka Banaadir.

 

“Waxaa ku faraxsanahay in Madaxweynuhu xilkan igu aaminay oo aan 20-bil u shaqeeyo shacabka, waxaan kaloo ku faraxsanahay in isla xilkan aan ku wareejiyo walaalkeyga, aniga Facebook kama caytami doono, gobolkana gadaal uma soo fiirinayo, waxaa noqon doonaa oday ducu iyo garab la garab-istaaga Guddoomiyaha gobolka, siyaasadna igama dambeyso ee waa iga horeysaa”ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo khudbada qaatay ayaa ka mahad celiyay sida quruxda badan ee loo soo dhoweeyay, isla markaana bogaadiyay howshii uu qabtay Guddoomiyihii ka horeeyay.

 

Waxaa uu sheegay inuu xoogga saari doono arrimaha amniga, nadaafada, deriseynta iyo is dhex galka bulshada, waxaana uu u laab-qaboojiyay shaqaalaha Gobolka Banaadir oo uu u cadeeyay in aysan jiri doonin shaqaale la eryayo, balse shaqaale cusub oo PHD wata la soo kordhin doono

 

“Aniga Bulletproof la igu qaadi maayo, cabdibile hubeysan magaalada kuma dhex maraayo, toban tiriyaha waa la quraacanayaa, guddoomiyaha degmada waa la casheynaya, shacabka baahan inta aysan gacanteyda gaarin ayaa qalbigeyga gaaraa”ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Madaale.

 

Ugu dambeyn Guddoomiyihii hore iyo Guddoomiyaha cusub ayaa kala saxiixday Ducoment-yo muujinaya xil wareejinta, waxaana goob joog ka ahaa saxiixa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!