Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo goor dhow war ka soo saaraya Mooshinka laga keenay Madaxweynaha

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu war ka soo saaray mooshinka muranka badan dhaliyay ee 9-kii bishan laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Guddoomiye Mursal uu ku dhawaaqi doono in Mooshinka laga keenay Madaxweynaha laga laabtay, kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ka laabteen.

Wararka laga helayo hoyga uu Mursal degan yahay ayaa sheegaya inuu kulamo la leeyahay Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha, waxaana kulanka kaddib laga soo saari doonaa war saxaafadeed.

Muran badan ayaa ka taagnaa sharciyadda Mooshinka, iyadoo labada dhinac ee Xildhibaanada ay isku khilaafsanaayeen hab raaca loo maray Mooshinka, kaddib markii ay soo baxday in 14 Xildhibaan ay sheegeen in laga been abuurtay saxiixooda.

Mooshinka laga keenay Madaxweynaha ayaa dalka gelisay qalalaase aan la fileyn, waxaana hakaday kulamadii baarlamaanka, sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku kala qeybsaday, waxaa Hotelada Muqdisho hareeyay kulamo iska soo horjeeday.

Lama oga waxa lagu xaliyay mooshinka, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay socdeen wada hadalo hoose oo Madaxda dowladda ka lahaayeen arrimaha mooshinka iyo xaaladaha uu dalka geliyay.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!