Guddoomiyaha Baarlamaanka K.Galbeed Oo Maanta la caleemo saarayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyaha Baarlamaanka K.Galbeed Oo Maanta la caleemo saarayo

Baydhabo ( Mareeg)-Waxaa maanta la filayaa in Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay lagu caleemo saaro guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed  Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna.

Caleemo saarka Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka sida Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ayaa dhawaan ku guuleystay doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ee ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Diyaar Garoow xoogan ayaa ka soconeysa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo ku aadan caleemo saarka guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!