Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo baaq u diray Xukuumadda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo baaq u diray Xukuumadda

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay Baarlamaanka ku hor-keento sharciga Axsaabta Siyaasada.

Mr Jawaari oo shalay ka hadlayay kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka ee lagu meel mariyay Golaha Wada tashiga Hiigsiga sanadka 2016.

“Waxaan Xukuumadda ku wargelinayaa in sharciga Axsaabta siyaasada dalka ay muddo sodon maalin ama bil ay ku horkeenaan Baarlamaanka si horay loogu sii socdo”ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Xukuumadda looga baahan yahay inay wada tashi kala sameyso qeybaha bulshada kala duwan, si sharcigaas muhiimka uu noqdo mid dalka ka hirgela

Xisbiyo siyaasadeed ayaa horay loogaga dhawaaqay magaalada Muqdisho iyo meelo kale, inkastoo aysan wali sharciyadii loo baahnaa ka helin Baarlamaanka, isla markaana qorshuhu yahay in loo gudbo nidaamka xisbiyada badan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!