Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho + Sawirro

Read Time:27 Second

Waxaa maanta Khamiis ah Magaalada Muqdisho soo gaartay diyaarad siday Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa lafilayaa in uu ka qeybgalo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka,islamarkaana uu lakulmi doono Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti uu soo gaari Soomaaliya,balse waxaa horey u yimid Guddoomiyihii hore Iriris Arnaud Cali.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %