Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Cadaado

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Guddoomyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah 10 wasiir iyo Xildhibaano gaaraya 30, iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Cadaado.

Guddoomiye Jawaari ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo xaflada dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Maamulka loogu magac daray Galmudug.

Mr Jawaari ayaa sidoo kale furi doona kalfadhigii u horeeyay ee uu yeelanayo Baarlamaanka Maamulka Galmudug, waxaana la filayaa in marka la dhaariyo la doorto shir guddoon KMG ah.

Qaban qaabada xaflada dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa haatan ka socota Xarunta Kafaalo, iyadoo lagu wado in goor dhow uu gaaro Guddoomiye Jawaari.

60 mudane ayaa illaa iyo haatan la soo bandhigay oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxaana la filayaa in inta kale la soo dhameystiro, iyadoo ay socdaan kulamo lagu xalinayo tabashooyin ay qabaan beelaha qaar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shaacisay in muddo labo todobaad gudahood lagu dooran doono Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe.